Barcelona Oo Qorshaynaysa In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixato Lionel Messi, Imisa Sano?.

0

Kooxda Barcelona ayaa sii wada qorshaynta mustaqbalka kooxda 1-aad kaas oo ah in ay la soo saxiixato xiddigo da,yar ah oo mustaqbalka ku leh kubada cagta.

Laakiin Barcelona ayaa sidoo kale sii wada in ay heshiisyo cusub ka saxiixato xiddigaha haatan kooxda jooga kaas oo uu ugu dambeeyay Jordi Alba.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga 1-aad ee kooxda ee Lionel Messi.

Messi ayaa kooxda Barcelona kula jira heshiis ilaa xagaaga 2021 ah wakhtigaas oo ah wakhtiga uu madaxweynaha haatan kooxda hogaamiya wakhtigiisu dhamaan doono.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay maamulka Barcelona si aad ah u doonayaan in ay heshiis cusub ka saxiixdaan Lionel Messi.

Isla wargayska ayaa ah in ay Barcelona heshiiskiisa haatan ku dari doonto hal sano oo kale taas oo la macno ah in uu joogo dooni laa xagaaga 2022 ama 2023.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here