Barcelona Oo Qaaday Talaabadii Ugu Horaysay Ee Ay Neymar Dib Ugu Soo Celinaysay Camp Nou

0

Maamulka Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay qaadeen talaabadii ugu horaysay ee ay Neymar ugu soo celin lahaayeen kooxda.

Idaacada Radio Catalunia ayaa sheegaya in madaxda kooxda Barcelona la Kulmeen wakiilka xiddiga reer Brazil si ay ugu qanciyaan in uu ku soo laabto Camp Nou.

La taliyaha guud ee xiddiga reer Brazil oo sabab u ahaa in uu Neymar ka tago kooxda ayaa lagu soo waramayaa in uu isku diyaarinayo in uu xiddiga mar kale ku soo celiyo Barcelona.

Idaacada Radio Catalunia ayaa sheegaysa in ay jirto rabitaanka dhanka xiddiga reer Brazil ah in uu mar kale xidho maaliyada xiddiga.

Neymar ayaa isaga tagay kooxda PSG xagaagii 2017 kadib markii ay kooxda PSG bixisay lacagtii lagu bur-burin karay heshiiska xiddiga oo ahayd 222 milyan euro.

Idaacada ayaa intaas ku daraysa in uu Neymar haatan ogaaday in uu ku khaldanaa in uu ka tago kooxda Barcelona waxana uu donayaa in uu haatan soxo khaladkiisa kuna soo laabto Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here