Barcelona Oo Magacawday Qiimaha Ay Ku Fasaxayso Philippe Coutinho Sanad Kadib Markii Uu Ku Soo Biiray Kooxda

0

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay Aqbashay in ay iska fasaxdo xiddigeeda ugu qaalisan taariikhdeeda ee Phlilppe Coutinho.

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona dul dhigtay madaxa xiddigeeda Phillippe Coutinho lacag dhan 140 milyan oo euro.

Kooxda Man United ayaa ah kooxda isha ku haysa xaalada xiddiga reer Brazil oo maalinba maalinta ka dambaysa ka sii xumaanaysa.

Coutinho oo Barcelona ugu biiray lacag dhan 145 milyan suuqii January ee sanad hor ayaa si weyn ugu fashilmay kooxda Barcelona.

Xiddiga reer Brazil ayaa u muuqda mid ka baxay qorshaha tababare Ernesto Valverde kadib qaab ciyaareed liita oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

26 jirka reer Brazil ayaan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan iyada oo ay Barcelona ka fiirsanayso in ay iska iibiso.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here