Barcelona Oo Loo Sheegay In Ay Badalka Luis Suarez Uga Dhaqaaqaan Man United & Arsenal

Xiddigii hore ee kooxda Barcelona ee Patrick Kluivert ayaa kooxdiisii hore Man United uga tilmaamay xiddiga ay badal uga dhigaan xiddiga Luis Suarez kaas oo ay haatan suuqa ka raadinayaan badalkiisa.

Patrick Kluivert ayaa sheegay in ay Barcelona tahay in ay u dhaqaaqdo xiddiga weerarka uga ciyaara Man United ee Marcus Rashford si ay badal uga dhigaan Luis Suarez.

Xiddigii hore ee Liverpool ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 16 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Laakiin Suarez ayaa haatan jira 32 sano waxana uu Patrick Kluivert aaminsan yahay in ay Barcelona u dhaqaaqdo saxiixa da,yarka Man United ee Rashford si ay ugu badalaan Suarez.

Xiddiga reer Holland oo Barcelona u saftay in ka badan 18 kulan ayaa u sheegay Sport360″ Run ahaantii waan jecelahay Rashford, wayna adag tahay in laga kexeeyo Man United laakiin waa xiddig fiican”.

“Ma Arki Karo xiddigo badan oo u ciyaari kara Barcelona oo aan ka ahayd Marcus Rashford Iyo Pierre-Emerick Aubameyang oo u ciyaari kara”.

“Waxa laga yaabaa in ayna jirin xiddigo da,yar ah oo ka ciyaari Kara La Liga iyaga oo da,yar ah laakiin aniga ahaan Marcus ayaa ah midka ugu fiican ee u ciyaari Kar Barcelona”.

“Waxan u malaynayaa in uu leeyahay xirfada, tayada iyo waliba in uu aad u orod badan yahay, waxa uu dhalin karaa goolal badan, wa badan uma ciyaaro Man United waxana laga yaabaa in uu doonayo in uu isaga tago Kooxda”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here