Barcelona Oo Liiska Gool Dhaliyaasha Ay Doonayso Ku Darsatay Marcus Rashford Iyo Bogga Hore Oo Wargayska Catalonia Ahi Ku Soo Xardhay Sawirkiisa.

Kooxda Barcelona ayaa raadinaysa gool dhaliye ay badal uga dhigan karto Luis Suarez oo ku sii dhawaanaya dhamaadka waayihiisii ugu fiicnaa ee kubbada cagta kadib markii ay da’diidu waynaatay, waxaana hadda diirada Barcelona qabtay gool dhaliyaha xulka qaranka England iyo kooxda Man United ee Marcus Rashford .

Marcus Rashford ayaan wali saxiixin heshiis cusub oo ay maamulka kooxdiisa Man United doonayeen in meesha looga saaro kooxaha waa wayn ee Yurub ee xiisaha ka muujiyay iyada oo hore loola xidhiidhinayay Real Madrid laakiin hadda Barcelona ayaa xiisaynaysa saxiixa Marcus Rashford.

Wargayska Mundo Deportivo oo ka soo baxa gobolka Catalonia ee ay Barcelona ka dhisan tahay ayaa sawirka Rashford ku soo xar dhay bogga hore ee wargayskiisa wuxuuna sheegay in Marcus Rashford uu qorshaha Barcelona ee raadinta gool dhaliyaasha uu ku jiro.

Barcelona ayaa dhawaan si xoogan loola xidhiidhinayay Luka Jovic si la mid ah Antoine Griezmann oo isna markale ka fikiraya mustaqbalkiisa Atletico Madrid inkasta oo uu dhamaadkii xili ciyaareedkii hore ka laabtay heshiis shaqsi ahaa oo uu Barcelona la gaadhay.

Inkasta oo uu Luka Jovic  ahaa xidiga inta ugu badan lala xidhiidhinayay Barcelona, haddana Mundo Deprotivo ayaa soo bandhigay sida ay Barcelona u doonayso saxiixa Marcus Rashford kaas oo waqti si xoogan loola xidhiidhinayay Real Madrid.

Waxaa warbixintan lagu sheegay in Marcus Rashford uu buuxiyay shuruudaha ay Barcelona ka doonayso gool dhaliyaha mustaqbalka kooxdeeda hogaamin doona isla markaana uu tayo ahaan iyo farsamo ahaan ku haboon yahay hanaanka ciyaareed ee kooxdeeda.

Heshiiska Marcus Rashford ee Man United ayaa dhacaya 2020 taas oo la micno ah in hal xili ciyaareed oo kaliyi uu ka hadhsan yahay qandaraaskiisa marka uu xili ciyaareedkani soo dhamaado waxayse Man United haysataa doorashada ah in ay hal sano qandaraaskiisa ku kordhin karto haddii aanu heshiis waqti dheer ah saxiixin.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here