Barcelona Oo Lagu Soo Waramayo In Ay Isla Maanta Dhamaystiri Doonto Saxiixa Weeraryahan Cusub & Xiddiga Ugu Dhaw In Uu Ku Biiro.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa shaaca ka qaaday in ay maamulka Barcelona sii wadaan raadinta ama dhamaystirka weeraryahan badal u ah xiddiga Munir El Haddadi kaas oo ka tagay kooxda suuqa January ee bishan.

Munir El Haddadi ayaa ku biiray kooxda Sevilla kadib markii uu kooxda Barcelona ka waayay boos joogto ah oo uu ka ciyaaro.

Bixitaanka Munir El Haddadi ayaa maamulka Barcelona ku qasbay in ay raadinyaan badalkiisa si loogu nasiyo xiddiga Luis Suarez xilli ciyaareedkan.

Wargayska ayaa sheegaya in ay Barcelona ka shaqaynayso in ay sida ugu deg-deg badan dhamaystirto saxiixa weeraryaha gaar ahaan maalmaha soo socda.

Isla wargayska ayaa intaas ku daraya in Barcelona isla maanta oo isniin ah dhamaystiri karto saxiixa weeraryahan cusub.

Wargayska ayaa sheegaya in xiddigaha u sharaxan in ay ku biiraan Barcelona Yihiin Xiddiga Real Sociedad ee Carlos Villa, Radamel Falcao,Klaas-Jan Huntelaar iyo xiddiga Tottenham ee Fernando Llorente.

Si kasta ha ahaatee wargayska ayaa sheegaya in xiddiga ugu dhaw in uu ku biiro Barcelona in uu yahay xiddiga weerarka uga ciyaara Chelsea ee Olivier Giroud kaas oo la filayo in uu ka tago kooxda chelsea maadama ay ku dhaw dahay saxiixa Higuain.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here