Barcelona Oo Lagu Soo Waramayo In Ay Heshiis La Gaadhay Frenkie de Jong

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa sheegaya in uu xiddiga khadka dhexe ee kooxda Ajax iyo xulka qaranka Holland ee Frenkie de Jong si aad ah ugu dhaw yahay in uu ku biiro kooxda Barcelona.

Frenkie de Jong ayaa ah bartilmaameedka 1-aad ee kooxda Barcelona si ay xagaaga ugu xoojiso kooxdadeeda xilli ay tartan adag kala kulmayso kooxo waaweyn oo reer yurub ah.

Wargausla Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay Barcelona dalab Rasmi ah ka gudbisay Frenkie de Jong iyada oo aan la ogayn qiimaha laakiin uu qanciyay kooxda reer Holland iyo xiddiga 21 jirka ah.

Barcelona ayaan u dhaqaaqi doonin Frenkie de Jong suuqa Janury sabab la xidhiidha in ay kooxda Ajax diidan tahay in ay fasaxdo xiddiga maadama ay doonayso in ay tartanka champions League meel fog ka gaadho.

Wargayska ayaa sheegay in ay maamulka Barcelona la kulmi doonaan wakiilka Frenkie de Jong 31 bishan aynu ku jirno si ay u ogaysiiyaan in ay si dhab ah u doonayaan xiddiga una sheegaan in uu kooxda Ajax kala hadlo qiimaha xiddiga.

Xiddiga reer Holland ayaa doonaya in uu xidho Maaliyada kooxda Barcelona inkasta oo uu dalabyo ka haysto kooxaha Juventus, Bayern Munich, PSG iyo kooxda Man City.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here