Barcelona Oo Lacag Waali Ah Suuq Galisay Marka Loo Bar-Bar Dhigo Real Madrid

0

Wargayska AS ayaa soo saaray warbixin la yaab leh oo muujinaysa in ay kooxda Real Madrid suuqa galisay lacag si aad ah uga yar mida ay Barcelon suuqa Galisay tan ilaa 2014.

Barcelona ayaa suuqa galisay lacag dhan 383 milyan oo euro tan ilaa sanadkii 2014 iyada oo kula soo wareegtay xiddigo kala duwan.

Real Madrid ayaa caan ku ahayd in ay lacag wali ah ka soo bixiso xiddigaha adduunka laakiin Barcelona ayaa haatan ka badashay arintaas.

Wargayska AS ayaa sheegaya in James Rodriguez ahaa xiddigii ugu dambeeyay ee ay Real Madirid lacagta waalida ah ka soo bixisay markaas oo ay ka soo bixisay lacag dhan 80 milyan oo euro.

Laakiin wixii wakhtigaas ka dambeeyay waxa ugu qaalisan saxiixa da,yarka Vinicius Junior kaas oo ay ka soo bixisay 45 milyan oo euro.

Sababta ugu weyn ee ayna Real Madrid suuqa ugu galin sidii sanadihii hore ayaa ah in uu Madaxeynaha Real Madrid Madaxda kooxda ku qanciyay in ay kordhiyaan garoonka Santiago Bernabue kaas oo ay ku bixi doonto lacag dhan 575 milyan euro.

Dhanka kale Barcelona ayaa gacan saraysay dhanka lacag galinta suuqa kadib markii ay iibisay Neymar iyada oo Dembele kula soo wareegtay 150 milyan oo euor.

Suuqii xagaaga ee 2018 ayay Kooxda Barcelona 41 milyan oo euro ku keentay Malcom halka ay sidoo kale daafaca Clément Lenglet ku keentay 35 milyan iyada oo ugu dambayn 31 milyan ku keentay xiddiga khadka dhexe ee Arthhur.

Saxiixyadaas ayaana sabab u ah farqiga suuqa ah ee u dhexeeya labada kooxood tan ilaa sanadka 2014.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here