Barcelona Oo Ku Guulaysan Doonta Horyaalka La Liga Arbacada Laakiin Waa Hadii Ay Halkan Arin Dhacdo.

Kooxda Barcelona ayaa guul ka gaadhay kooxda Real Sociedad iyaga oo ku sii dhawaaday ku guulaysiga horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan kadib markii ay 2/1 uga badiyeen Sociedad kulan ka tirsanaa toodbaadkii 33-aad ee horyaalka La Liga.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona ku guulaysan karto Horyaalka Bartamaha toodbaadkan laakiin waa hadii ay Ka badiyaan kooxda Deportivo Alaves sidoo kale Atletico Madrid guuldaro kala kulanto kooxda Valencia Arabacada.

Hadii ay sidaas dhacdo kooxda Barcelona ayaa 12 dhibcood ka horayn doonta kooxda Atletico Madrid inkasta oo ay 4 kulan ka dhimanaan doonaan dhamaadka horyaalka iyada oo xitaa hadii ay Atletico Madrid badiso dhamaan kulamadaas Barcelona-na laga badiyo ay Barcelona horyaalka ku qaadi doonto kulamada Tooska ah ee labada kooxood.

Kooxd Barcelona ayaa Atletico Madrid kaga fiican kulamada tooska ah ee horyaalka maadama ay kulana bar-baro la gashay mid kalen ak badisay La Liga xilli ciyaareedkan.

Laakiin hadii ay Atletico ka badiso kooxda Valencia Arbacada waxa dib u dhici doona hanashada horyaalka ee Barcelona kaas oo la go,aamin doono todobaadka 35-aad ee La Liga.

Kooxda Barcelona ayaa kulankaas Marti galin doonta kooxda Levante kulan ka dhici doona Camp Nou halka Kooxda Atletico Madrid Marti galin doonto kooxda Real Valadolid .

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here