Barcelona Oo Ku Faantay In Ay Xulka Qaranka Qatar Ka Caawisay Ku Guulaysiga Koobka Qaramada Asia, Saamayntii Fèlix Sánchez Iyo Xogta Barca Ay Bixisay

0

Kooxda Barcelona ayaa ku faantay in ay door ku lahayd guushii uu xulka qaranka Qatar ka soo hooyay tartankii qaramada Asia ee lagu soo gaba gabeeyay Imaaraadka Carabta. Xulka qaranka Qatar ayaa markii taariikhdooda ugu horeeyay waxay ku soo guulaysteen koobka qaarada Asia waxayna Barca muujisay in sababta hanaanka ciyaareed ee kooxdeedu uu asal guushan u ahaa.

Tababaraha xulka qaranka Qatar ee Fèlix Sánchez ayaa waqti fiican ku soo qaatay Barcelona waxaana warbixin ay Barcelona daabacday lagu sharaxay qaabkii uu hide-sidaha kooxdeedu uu u ahaa saldhiga guushii Qatar iyo tababare Fèlix Sánchez ay ka gaadheen Asia Cup 2019.

Waxaana warbixinta Barcelona lagu bilaabay: “Asalka tababaraha kooxda qaranka Qatar ee ah Championska cusub ee tartanka Asia waxay ku laabanaysaa La Masia”. Intaa kadib waxay barcelona sharaxday sidii uu Fèlix Sánchez waqti ugu soo qaatay xarunta caanka ah ee La Masia iyo doorkii uu DNA-da Barcelona wax uga soo bartay

Fèlix Sánchez waxay walaalo yihiin Fran Sanchez oo hore isna tababare ugu soo noqday kooxda haweenka Barcelona laakiin Fèlix Sánchez ayaa muddo 10 sanadood ah ku soo qaatay kooxda Barcelona halkaas oo uu ka soo bartay in badan oo ka mid ah xirfadiisa kubbada cagta waana sababta ay Barca u aaminsan tahay in ay door ku lahayd guusha Qatar.

Fèlix Sánchez ayaa Barcelona ku soo qaatay muddo toban sanadood ah wuxuuna ka soo shaqeeyay xarunta caanka ah ee La Masia oo uu tababare u soo noqday kooxaha da’yarta ah ee kala duwan, waxaana ciyaartoydii uu soo saaray ka mid ahaa Sergi Roberto oo hadda kooxda kowaad ka tirsan, Marc Muniesa, Gerard Deulofeu iyo Martin Montoya oo dhamaantood waqtiyo kala duwan Barca ka soo ciyaaray balse hadda kooxo kale ka tirsan.

Markii la soo gaadhay sanadkii 2006 kii, tababare Fèlix Sánchez ayaa go’aansaday in uu ka baxo Barcelona si uu ugu wareego Qatar isaga oo aqoontiisa tababarenimo ka bilaabay xarunta da’yarta uu hadda Xavi Hernandez ku jiro ee Aspire Academy.

Inkasta oo uu Fèlix Sánchez xaruntan u jiray 7000 kun oo kilimotir, haddana waxa uu ka midho dhaliyay hadafkii uu ku doonayay in uu tababare noqdo. Tababarihii hore ee kooxaha da’yarta Barcelona ee Fèlix Sánchez ayaa shaqo adag kadib waxa uu sanadkii 2012 kii uu noqday macalinkii kooxda xulka qaranka Qatar ee U19 isaga oo markiiba ku hogaamiyay koobkii Asia Cup U19.

Laakiin horumarka Fèlix Sánchez ayaa sii socday wuxuuna u sii gudbay kooxda xulka qaranka Qatar U20 laakiin sanadkii 2017 kii waxaa loo doortay macalinka xulka qaranka Qatar ee seniorka ee uu hadda taariikhda ku soo dhigay kaas oo uu markii ugu horaysay soo gaadhsiiyay finalka Asia Cup oo ay waliba Japan guul 3-1 ah kaga gaadheen.

Laakiin Barcelona ayaa sidoo kale soo bandhigtay sida DNA-da kooxdeeda ee boosishan haysashadii uu Fèlix Sánchez ku soo bartay xarunta La Masia iyo hanaanka ciyaareed ee kooxda Barca uu uga caawiyay in Qatar ay si wayn ugu soo adkaatay kulamadii ay ciyaareen.

Waxaana qoraalka Barcelona lagu yidhi: “Fèlix Sánchez waxa uu Asia Cup ka horumariyay hide-sidaha ama DNA-da kubbada cagta Barca isaga oo boqolkiiba 70% boosishanka ay Qatar guul kaga gaadhay afar dhamaadkii ee kulankii marti galiyaasha UEA oo ay 4-0 kaga gaadheen. Lix guulood oo ay koobkan ku soo gaadheen oo ahaa Lebanon, North Korea, Saudi Arabia, Iraq, South Korea iyo Arab Emirates- waxayna arkeen rekoodh booqlkiiba boqol ah, 16 gool iyada oo aan hal gool laga dhalin”.

Waxaana warbixinta Barcelona ay kaga hadashay macalinkii hore ee kooxdeeda ee Felix Sanchez lagu xusay in ay kulankii finalka 3-1 ku garaaceen Japan, iyada oo qormadan lagu cadeeyay in DNA-da kubbada cagta Barcelona ay si wayn u caawisay Sanchez iyo xulkiisa Qatar ee taariikhda cusub sameeyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here