Barcelona Oo Ku Dhaw In Ay Dhamaystirto Saxiixa Daafaca Jean-Clare Todibo Saacadaha Soo Socda

0

Kooxda Barcelona ayaa ku dhaw in ay dhamaystirto saxiixa daafaca u ciyaara kooxda Toulouse ee Jean-Clair Todibo kaas oo ay markii hore ogolaatay in ay si xor ah ula wareegto xagaaga madka uu dhamaysto heshiiska kooxdiisa haatan.

Laakiin Blaugrana ayaa doonaysa in ay horay u soo dhigto xiddiga si ay uga caawiso in uu horumar sameeyo lana sii qabsado horyaalka La Liga.

Daafaca reer France ayaan u ciyaarin kooxdiisa haatan isaga oo xitaa laga saaray tababarka kooxda 1-aad tan ilaa markii uu kooxda Barcelona la heshiiyay.

Barcelona ayaana haatan ku dhaw in ay kooxdiisa kala heshiiso in ay horay u soo dhigto imaatinkiisa kooxda iyada oo ku dhawaaqi karta saxiixa saacadaha soo socda.

Kooxda Barcelona ayaan doonayn in uu xiddigu lumiyo horumarkiisa 6-da bilood ee ka hadhsan xilli ciyaareedkan waxana ay doonayaan in ay dhamaystiraan sanxiixa xiddiga isla maanta.

Jean-Clair Todibo oo heshiiska kooxdiisa Toulouse dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan ayuu tababaraha kooxdaas ka xanaaqsan yahay in uu heshiis la gaadho kooxda Barcelona.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here