Messi iyo Suarez ayaa xalay guul soo daahday waxa oo laba gool ah waxa ay ku hogaamiyeen Barcelona ka dib kulan La Ligaha ah oo ay ku marti giliyeen Atletico xilli goolasha ay yimaadaan waqtigii geerida ee dhamaadka ciyaarta .
Haatan madaxa kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa xaqiijiyay in kooxda ay si weyn uga fikarayaan in hihiis cusub ka saxiixdaan Messi
Ka dib kulankaas ayuu Josep Maria Bartomeu yiri ” Messi waa laacib aysan ka maarmin kooxda , waxaan rajeynayaa in sanado kale uu nala sii joogo halkaan”.
” Messi guulo taariikhi ah ayuu kooxda gaarsiiyay waxaana qasab nagu in aan hishiiskiisa sii kordhinno waayo weli waxa uu haystaa waqti uu kooxda kaga caawiyo qaadista koobab badan mustaqbalka” ayuu sii raaciyay madaxa kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu
Hishiiska Messi ee Barcelona ayaa dhacaya xagaaga 2021-ka waxa ayna Barcelona haatan ka fikireysaa sida Josep Maria Bartomeu u gacan haatiyay in ay laacibka ka saxiixdaan hishiis muddo fog ah