Barcelona Oo Ka Hadalay Xaqiiqada Wararka Sheegaya In Uu Neymar Doonayo Ku Soo Laabashada Camo Nou

Kooxda Barcelona ayaa ka hadashay wararka sida weyn la iskula dhex marayay maalmihii ugu dambeeyay ee ahaa in uu Neymar doonayo in uu ku soo laabto kooxda Barcelona.

Tababaraha Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu Neymar la soo xiriiray kooxda si uu uga baryo in uu ku soo laabyo.

Xiddiga reer Brazil ayaa 2 sano ka hor lacag 222 milyan oo euro ah ugu biiray kooxda PSG kana tagay kooxda Barcelona.

Laakiin xiddiga ayaa ku dhibaatooday in uu la qabsado nolosha caasimada France iyada oo lala xiririnayo in uu ku soo wajahan yahay horyaalka La Liga gaar ahaan kooxda Barcelona.

Warark ayaa sheegaya in uu aabaha neymar la xiriiray madaxda Barcelona si uu ugu qanciyo in uu xiddigu ku soo laabto Camo Nou.

Laakiin Valverde ayaa yidhi”Ugu horayn arintu sidaas ma ahan, Neymar waxa uu ka tagay kooxda sababta oo waa wax uu go,aansaday wixii intaas ka dambeeya ma jiro wax laga yidhaahdo”.

“Marnaba kama hadalno xiddigaha heshiiska kula jira kooxaha ah, markii uu go,aansaday in uu ka tago Barcelona waxa uu gabi ahaan qaatay go,aankiisa shaqsiga ah”.

Warkan ayaa meesha ka saaraya warar sheegaya in ay kooxda Barcelona isha ku hayso in ay dib u soo celiso Neymar xagaaga dambe.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here