Barcelona Oo Juventus Ku Garaacaysa Saxiixa Matthijs de Ligt, Imisa Ayay Ku Dalbanaysaa?

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay ku kalsoon tahay in ay kooxda Juventus ku garaaci doonto saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt.

Barcelona ayaa diyaar u ah in ay xiddiga reer Holland ku dalbato lacag dhan 60 milyan oo euro si ay adeegiisa u hesho marka la gaadho suuqa Xagaaga.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay Barcelona ka go,antahay helitaanka saxiixa xiddiga Matthijs de Ligt si ay ugu xoojiso daafaca.

Waxa intaas sii dheer in ay wadahadaladu si fiican u socdaan kooxda Barcelona-na ku rajo weyn tahay dhamaystirka heshiiska.

Juventus ayaa doonaysa saxiixa laakiin Kooxda Barcelona ayaa u muuqata qaar kaga horeeya tartanka loogu jiro xiddiga oo haatan aad loo qiimeeyo.

Matthijs de Ligt ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah ku jira isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay iska xaadiriso 8 dhamaadka champions League.

Qaab ciyaareedka xiddigan ayaa soo jiitay kooxo badan oo ay ka mid yihiin kooxaha Barcelona, Juventus iyo kooxo kale oo reer yurub ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here