Barcelona Oo Iska Diiday Fursad Ay Kula Saxiixan Karto Antoine Griezmann & 3 Arimood Oo Sabab U Ah

Barcelona ayaa si aad ah u doonaysay saxiixa xiddiga Antoine Griezmann suuqii xagaaga, waxa walbana waxa ay u muuqdeen in uu ku biiri doono kooxda Barelona ka hor intii uuna xiddiga albaabaka ka xidan ka hor koobkii adduunka go,aansana in uu iska sii joogo Barcelona.

Arimaha ayaa haatan is badalay Barcelona-na ma doonayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga No.7 inkasta oo uu wargayska L’Equipe sheegayo in ay Barcelona ka fiirsanayso in ay ka gudbiso dalab waxana jira dhawr sababood oo ka dambeeya in ay Barcelona iska diido saxiixa Griezmann.

Sababta 1-aad ayaa ah in muhiimadooda 1-aad ee suuqa xagaagu yihiin in ay keenaan badalka Luis Suarez oo haatan jira 32 sano.

Midka 2-aad ayaa ah in xiddiga ku guulaystay koobka adduunku uuna ahayn weeraryahanka ay doonayaan si ay ugu buuxiyaan iyaga oo bartilmaameedsanaya xiddigaha Luka Jovic, Timo Werner ama Maxi Gomez.

Iska diidistii hore ee uu xiddigu iska diiday dalabkooda ayaa ah sababta 3-aad ee ayna Barcelona u doonayn in ay ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga.

Sababta ugu dambaysa ayaa ah in uuna qolka Labiska Barcelona doonayn xiddiga kadib markii ay isku dheceen xiddiga Gerard Pique.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here