Barcelona Oo Iska Diiday Daafacyada Martin Škrtel & Branislav Ivanović Ka Hor Intii Ayna U Dhaqaaqin Jeison Murillo & Sababta Oo La Ogaaday

0

Kooxda Barcelona ayaa ugu dambayn heshay saxiixii ay doonaysay kaas oo ahaa daafac dhexe oo ay ku xoojiso kooxda kadib markii ay heshiis amaah ah kula soo wareegtay xiddiga reer Colombia ee Jeison Murillo.

Jeison Murillo ayaa Barcelona ugu soo biiray heshiis amaah ah iyada oo duhurnimada maanta si Rasmi ah taageerayaasha kooxda loogu soo bandhigi doono garoonka Camp Nou.

Ka hor intii ayna Barcelona u dhaqaaqin saxiixa Jeison Murillo waxa lala xiriirinayay xiddigo badan oo daafaca dhexe ka ciyaara kuwaas oo xitaa qaarkood loo soo bandhigay adeegooda.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Barcelona loo soo bandhigay adeegyada xiddigaha Martin Škrtel Iyo Branislav Ivanović laakiin ay Barcelona iska diiday adeegooda.

Labada xiddig oo haatan u kala ciyaara kooxaha Fenerbahçe & Zenit Saint Petersburg ayay wakiiladoodu u soo bandhigeen maamulka kooxda Barcelona laakiin kooxda ayaa iska diiday.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sababta ay kooxda Barcelona ku diiday saxiixa xiddigihii hore ee Liverpool & Chelsea ayaa ah rabitaanka labada xiddig.

Labada daafac ayaa doonayay in ay helaan heshiis hal sano iyo Badh ah halka ay Barcelona kaliya doonaysay heshiis 6 bilood ah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here