Barcelona Oo Isha Ku Haysa Rikoodh Taariikhi Ah Oo Horyaalka La Liga Ah

0

Kooxda Barcelona ayaa ku sii dhawaatay rikoodh taariikhi ah oo horyaalka La Liga ah kadib markii ay Axadii garaaceen kooxda Getafe kulan ka tirsanaa todobaadkii 18-aad ee La Liga.

Barcelona ayaa ku raaxaysanaysa hogaanka horyaalka La Liga kadib guuldaradii Real Madrid ka soo gaadhay Real Sociedad iyo Bar-barihii ay galeen kooxaha Sevilla iyo Atletico Madrid.

Kooxda Barcelona ayaa gool dhalisay dhamaan 31-kii kulan ee ugu dambeeyay ee xiriir ah ee ay horyaalka La Liga ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda iyada oo hal gool u jirta rikoodhkii ugu fiicnaa ee gool dhalinta ee meel ka baxsan garoonkeeda ee la dhigay intii u dhexaysay February 2012 iyo December 2013.

Kooxda Ernesto Valverde ayaa labada kulan ee soo socda garoonkeeda kula ciyaari doonta kooxaha Eibar iyo Leganes halka ay Girona kula ciyaari doonto meel ka baaxsan garoonkeeda.

Barcelona ayaa horyaalka La Liga ku hogaaminaysa 40 dhibcood iyaga oo 5 dhibcood ka dambeeya kooxda Atletico Madrid 10 dhibcoodna ka dambeeya kooxda Real Madrid oo ku jirta kaalinta 5-aad.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here