Barcelona Oo Hal Gool Rigoore Ah Uga Badisay Real Valladolid Xilli Messi-na Qasaariyay Rigooradii Labaad

Barcelona ayaa nasiinada ugu dirtay Real Valladolid hal gool oo nadiif ah kaasi oo rigoore ahaa ka dib ciyaar adkeyd oo ay kooxda martida ah muujiyeen hanaan ciyaareed wacan.

Barcelona meel ay kubadda marsiiyaan ayaa loo diiday waxaan ka muquday isku dhex yaac dhanka qadka dhexe ah waxaana kaliya qeybtaan si wacan u dhaq dhaqaaqayay Messi iyo Dembele .

Goolka rigoorada ayaa yimid daqiiqaddii 44-aad ee dhamadka ciyaarta ka dib qalad lagu galay Gerard Piqué waxaana shabaqa ku hubsaday Messi .

Barcelona kulankaan waxaa ku adkaa in kubadda si fog u geeyaan aagga goosha Real Valladolid mana jirrin fursado badan oo ay abuureen .

Kooxda martida waxa ay aad ugu wacnaayeen dhanka daafaca oo shan xiddig ayaa ilaalo ka haysay waxa ayna ciyaarayeen kubad deg degsiimo iyo kalsooni leh

Qeybta labaad , Barca waxa ay isku dayayeen in kubadda u diidaan Real Valladolid iyaga ayaana ku badnaa , waxaana daqiiqaddii 54-aad gool xaqiiq ahaa waliba kaliya isaga oo goolhayaha ka qasaariyay Boateng.

Kooxda martida ah waxa ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah balse inta badan Barca ayaa maamuleysay ciyaarta waxa ayna daqiiqaddii 60-aad soo giliyeen Suarez oo loo badalay Boateng .

Barca fursado goolal loo turjumi karo ayay iska qasaarinayeen , waxaana kooxda Real Valladolid kaliya ka maqnaa in ay ku dheerradaan weerarka tooska ah.

Barca si dadaalkeeda goolal ugu turjumaan waxa ay soo giliyeen Philippe Coutinho oo loo badalay Dembele daqiiqadii 70-aad durbiidaba giool ayuu ku sigtay in uu dhaliyo daqiiqadii 72-aad , balse guud ahaan marka la eego hanaanka ciyaarta iyaga ayaa u dhawaa in ay helaan gool kale .

Dhamaadkii , Barca cadaadis xooggan ayay saareen kooxda Real Valladolid kuwaasi oo ay ku adkeyd in kubadd ahoray u soo dhaqaajiyeen waxa ayan Barca iska qasaarinayeen fursado gool oo xaqiiq ahaa .

Barca waxa ay heleen rigoore waxaana daqiiqaddii 84-aad qasaariyay oo laga qabtay Messi oo mar kale in uu madaxa ku soo celiyay hadana laga qabtay waxaana daqiqiadihii geerida Barcelona dhowr fursad oo goolal ahaa u diiday goolhayaha waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay halkaas gool ee rigoorada ahaa .

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here