Barcelona Oo Haatan Xor U Ah In Ay Wadahadalo La Furto Adrien Rabiot

Bilowga sanadka cusub ayaa albaabka u furaysa in ay kooxuhu wadahadalo la furaan xiddigaha heshiiskoodu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan Barcelona ayaana haatan xor u ah in ay wadahadalo la furto xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda PSG ee Adrien Rabiot.

Paris Saint-Germain ayaan heshiis cusub ka saxiixan doonin xiddiga kadib markii uu si cad ugu sheegay in uuna xiiso u qabin in uu sii joogo kooxda.

Barcelona ayaa isku dayday in ay xiddiga la saxiixato xagaagii hore laakiin haatan ayay si aad ah u doonayaan in ay ku riixaan xiddiga in uu u saxiixo si ay ugu garaacaan kooxo badan oo doonaya adeegiisa.

Blaugrana ayaa ugu cad-cad saxiixa xiddiga xilli ay si aad ah u doonayaan in ay isku dhacaan maamulka kooxda PSG gaar ahaan isku dhici ku kala dhex galay kadib iibkii Neymar.

Laakiin Kooxda Barcelona ayaa diidan in ay meesha ka saarto in ay xiddiga reer France adeegiisa u dhaqaaqdo suuqa Janaury Iyada oo ka cabsi qabta in ay koox kale u waydo.

Adrien Rabiot ayaa xiiso ka helaya kooxo badan oo reer yurub ah oo ay ka mid yihiin kooxda Juventus, Tottenham iyo Liverpool.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here