Barcelona Oo Guul Weyn Ka Gaadhay Sevilla, Leo Messi Oo Saddexley Dhaliyay & Barcelona Oo 10 Dhibcood Ku Qabatay Hogaanka La Liga

Kooxda Barcelona ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Sevilla kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkiisii 25-aad.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Sevilla si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo Barcelona ku qaadaysay weeraro rogaal celis ah.

Sevilla ayaa daqiiqadii 22-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Jesus Navas kaas oohogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Laakiin kooxda Barcelona ayaa si deg-deg ah u soo bar-baraysay ciyaarta iyaga oo uu daqiiqadii 26-aad goolka u dhaliyay Lionel Messi kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Kooxda Sevilla ayaa mar kale hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 42-aad iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Gabriel Mercado kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay kooxda Sevilla hogaanka ugu hayso waliba u qalantay marka loo eego qaab ciyaareedka ay soo bandhigeen.

Qaybtii daybtii dambe ee ciyaarta ayay kooxda Barcelona si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo raadinaya goolka bar-baraha.

Laakiin Boqorka Boqorada Lionel Messi ayaa daqiqiadii 67-aad ee ciyaarta u dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa iyo goolkisiii 2-aad ee shaqsiga ahaa.

Barcelona ayaa kadib sii lama jibaartay weeraradii ay Barcelona ku qaadaysay Sevilla iyaga oo raadinayay goolal kale.

Daqiiqadii 85-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta isaga oo sidaas ku dhaliyay saddexley ciyaartana uga dhigay 3/2.

Luis Suarez aya daqiiqadii ugu dambaysay dhaliyay goolka 4-aad ee ciyaarta isaga oo ciyaarta ka dhigay 4/2 ay kooxda Barcelona ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa siaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu Lionel Messi kaligiis guul ku hogaamiyay kooxda Barcelona 3-da dhibcoodna jeebka ugu shubay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here