Kooxda Barcelona ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Rayo Vallecano Kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kana dhacay garoonka Camp Nou.
Kooxda Rayo Vallecano ayaa kulanka ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo ka qaab ciyaareed fiicanaa kooxda Barcelona waliba qaadayay weeraro rogaal celis ah.
Rayo Vallecano ayaa hogaanka u hor qabatay kulanka iyaga oo ku hor maray goolka 1-aad ee ciyaarta daqiiqadii 24-aad iyaga oo uu u u dhaliyay Raul De Tomas.
Barcelona ayaa gabi ahaan la wareegtay maamulka kulanka iyaga oo raadinayay sidii ay u dhalin lahaayeen goolka bar-baraha.
Daqiiqadii 38-aad ayay Barcelona dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu gool madax ah u dhaliyay xiddiga Gerard Pique kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah labada kooxodna soo bandhigeen qaab fiican.
Qaybtii dambe ayay kooxda Barcelona ku soo gashay dar-dar iyaga oo doonayay in ay ciyaarta goolal ka dhaliyaan si ay wakhti hore ciyaarta u dilaan.
Daqiiqadii 51-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay kabtankooda Lionel Messi kaas oo gool u badalay rikoodhe.
Barcelona ayaa sii waday dadaalka ay ku doonaysay in ay ku dhaliso goolal iyaga oo qaadayay weeraro waali ah oo ay u doonayeen goolal.
Daqiiqadii 82-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay Luis Suarez kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.
Waxa sidaas ku dhamaatay Barcelona oo gaadhay guul 3/1 ah mar kalena soo ceshatay 7-dii dhibcood ee ay ku hayeen hogaanka horyaalka.