Barcelona Oo Guul Qaali Ah Ka Gaartay Leganes ,Messi Ayaa Ku Hogaamiyay

10:45 daqiiqo ee xiliga geeska afrika waxaa si toos ah loo baasay ciyaartii xiisaha laheyd ee kooxdaha Barcelona & Legeanes oo kamid aheyd Horyaalka Spain.

Layaabka cushaaqda Blugrana waxa uu taabtay markii ay shaxda 1aad ee kooxda kawaayeen Lionel Messi oo caawa keydka lasoo fariisiyey , bilowgii ciyaarta waxa ay aheyd mid dar dar xoogan ku bilaabatay waxaana koox kasta ay ku dadaaleysay in goolka furitaanka.

Blugrana ayaa bilowday daqiiqado markii ay socotay iney sameyso fursado dhowr , kubad qurux badneyd oo uu sameysay Dembele ayaa u uka tuurtay difaaca isagoo orod ku galay gudaha rigoorada isagoo goolhayaha oo kusoo baxay usoo baasay geeska kale balse Coutinho ayaa qasaariyey.

Si lamid ah halkeeda ayey kasoo wadatay Barcelona iney kubadda iyadoo dooneysay iney goolka furitaanka waxaana ayku cayaarayeen kubadeeda caanka ay ku tahay ee tikataka gebi ahaanbana waa ay maamulayeen.

Daqiiqadii 30-aad waxaa timid fursad gool la dhihikaray kadib markii uu ugudaha rigoorada udhexdhigay kubad quruxbadan balse Suarez ayaa qasaariyey.

hal daqiiqo kadib fursadaasi waxaa yimid goolkii ugu horeeyey ee ciyaarta markii kubad usoo jiiday Pique uu la wareegay kaas oo qadka dhexe ugu soo gambiyey xidigaha laganes isagoo ubaasay alba kadiba gudaha ugalay rigoorada baas qurux badan oo alba kayimid ayaa si cag badal qurux badan uuku dhameystiray Dembele sidaas ayaana goolkii ugu horeeyey ku yimid , wixii intaa kadambeeyey naadiga fursado dhowr ah ayey abuureen balse meysan ubadali goolal qeybtii horena sidaas ayeykusoo gabagabowday.

Markii leysu soo laabtay halkeeda ayey ciyaarta kasoo socotay waxaa jiray in naadiga ay isku dayeysay iney talaabo qaado isla markaana goolal kale ay dhaliso si ay uga bad baado haliska kooxda lagenes, balse kubad Control attack aheyd ayaa looga bar bareeyey Barcelona.

Intaa kadib waxaa lasoo geliyey Messi isagoo kubad xoogan uu ku shuuday goolhaya kadib bad baadin waxaa kusii taabtay surez oo sidaas ayuuna 2-1 ku noqotay , waxaa ciyaarta ku dhaawacmay oo laga saaray Dembele,Dhamaadkii Ciyaarta kubad si qurux badan uu messi usoo dhigay ayaa Lio kusoo xiray ciyaarta waxaana ayu adkaadeen 3-1.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here