Barcelona Oo Guul Qaali Ah Ka Gaartay Getafe , Messi Iyo Suarez Ayaa Kala Qeybsaday Xilli Goolka Luis Ahaa Mid Cajib Ah

Kooxda Barcelona ayaa nasiida ugu dirtay kooxda Getafe laba gool iyo hal ka dib ciyaar maamulkeeda ay gacanta ugu jirtay kooxda Barca .

Goolka koowaad ayaa yimid daqiiqaddii 20-aad ka dib isku dayo kala duwan oo ay Barca ku haysay kooxda Gatefe waxaana saxiixay Messi .

Kooxda martida loo ahaa ee Getafe dhankooda mararka qaar waa ay weerar tagayeen balse sidii la rabay ugama aysan faa`ideysaneyn .

Xilli xaalka sidaas ahaa ayaa daqiiqaddii 39-aad gool cajiib ah oo dharbaaxo ahaa waxaa dhaliyay Suarez kaasi oo kubad daafaca Getafe madaxa ku soo saareen sideedii ugu laaday goosha .

Inkastoo dhamaadkii heerka kubad haysashada Barca aay gaartay heer dhan %80 hadana kooxda Getafe waxa ay heleen gool daqiiqadii 43-aad ee dhamaadka ciyaarta waana halka weerar ee saxda ahaa ee ay ku tageen shabaqa Barca .

Biloowgii qeybta labaad , ma jirrin fursado ay isku heleen waxa ayna Getafe ka sheeganeysay in kubadda ay gaarsiiyaan aagga goosha Barca.

Sidaas oo ay tahay Getafe mar ayay heleen fursad weyn balse sidii la rabay ugama aysan faa`ideysan xilli Messi uu ahaa fakad oo gool labaad ayuu raadis ugu jiray .

Qeyibihii dhexe Getafe kubadda waa ay soo jiidayeen waxa ayna dagaal ugu jireen in ay u turjumaan gool balse daafac Barca ayaa ahaa kuwo taxadar ku jiray waxa ayna daqiiqadii 70-aad soo giliyeen Busquets m oo loo badalay Vidal.

Daqiiqaddii 76-aad Messi ayaa helay fursad aad u weyn balse waxaa kubadda ka bad baadiyay goolahaya Getafe , waxaana xusid mudan in ka hor kulankaan Getafe laga abdiyay kaliya afar kullan oo La ligaha .
Dhamaadkii Barca cadaadis ayay saareen Cetafe waxaana kacdoon gool raadis ah waday Messi balse goolhaye Soria ayaa u diidanaa xilli Barca daqiiqaddii 84-aad ay soo giliyeen Countinho oo loo badalayt Dembele .

Si kastaba ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2/1 oo ay guusha Barca ku raacday waxa ayna haatan leeyihiin 40 dhibic iyaga oo 5 dhibic kaga haya kooxda Atletico Madrid oo booska labaad ku jirta .

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here