Barcelona Oo Guul Ka Gaartay Real Sociedad , Xaqiijinta Horyaalka Qarka Ayay U Saaran Yihiin

0

Barcelona ayaa guul 2/1 waxa ay ka gaareen kooxda Real Sociedad oo marti ugu aheyd kulan ka tisran wareegga 33-aad ee La Ligaha

Qeybtii hore Barca ayaa kubadda ku badneyd balse halis gillin muuqata ma jirrin oo waxaa muuqatay in qaab gaabis ah ay ku jireen qeybtaas hore

Kooxda martida oo daafac ku jirtay mararka qaar kubadda waa ay la qeybsanayeen Barca waa ayna soo dhaqaaqayeen balse dhameystir ma laheyn .

Xilli ay u muuqatay in nasiinada lagu aadayo bar bar dhacaas bilaa goolasha ah ayay barca heleen gool yimid daqiiqadii 45-aad waxaana saxiixay Clement Lenglet .

Qeybta labaad labada koox dar dar ayay ku bilaabeen ciyaarta waxaan gool raadis ahaa Messi xilli dhowr jaanis ay heshay Barca .

Kooxda Real Sociedad dhowr jeer ayay fursado heleen balse goolhayaha Barca ayaa u diiday xilli guud ahaan hanaanka ay ku soo galeen qeybtaas labaad marka la eego waa laga filan karay goolka bar bar dhaca .

Real Sociedad oo dadaal dheeri ah waday xilli ciyaarta ay aheyd mid deg degsiimo leh waxa ay kooxdaas keeneen goolka bar bar dhaca daqiiqaddii 62-aad waxaana u saxiixay Juanmi balse Barca gool labaad ayay heleen iyadoo dood dheer ka dib la maciin biday VAR waana la ansixiyay daqiiqaddii 64-aad waxaana goolkaas lahaa Jordi Alba .

Ka dib goolkaas Barca ayaa bandhig wacneyd waxa ayna heleyeen fursado xilli Real Sociedad adkeyd in sax ah u soo dhaqaaqaan ayna soo gaaraan aagga goosha Barca

Si waliba ood haamadkii isku dayo u sameeyeen labada dhinac waxa ay ciyaarta ku dhamaatay 2/1 oo ay guusha ku raacday Barcelona

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here