Barcelona Oo Guul Hal Gool Ah Kala Soo Laabatay Old Trafford Xilli Ay Caawis Ka Heleen Daafaca United Ee Luka Shaw

Barcelona ayaa nasiinada ugu dirtay Man Unityed hal gool oo nadiif ah kaasi oo yimid daqiiqaddii 12-aad waxa ayna Barca marti ku aheyd kulan ka tirsan lugta koowaad ee wareegga 8-da Champion-ka

Ka hor goolkaas Barca ayaa ku badneyd maamulka kubadda waxa ayna United kaliya ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah waxa ayna Barca ciyaarayeen kubad ku dhisan baasas gaagaban.

Kubad dhexde Barca laga soo laaday ayaa afka hore ee goosha United waxa ku helay Messi kaasi oo durba u sii qajafeeyay Suarez oo sii madaxeayay waxa uuna caawis ka helay Luke Shaw oo shabaqiisa United sii dhigay kubaddii Suarez daqiiqaddii 12-aad .

United inkastoo goolkaas looga naxsdaday hadana waxa ay isku dayayeen in ay kubadda ku jiidaan goosha Barca waliba kubadaha qaabka deg degga loo abuuro balse daafac adag ayay wajahayeen

United waxaa laga haystay qadka dhexe mana jirrin cadaadis ay saarayeen Messi kaasi oo kubadaha ku dhisayay balse isku dayada United ee gool raadinta ma xumeyn .

Inkastoo Barca heerka kubad haysashada qeytaas hore ay gaarsiiyaan %64 hadana kaliya laba jeer ayay toos u weerareen goosha United waxaana lagu nastay halkaas gool.

Soo laabashadii , United cadaadis ayay saartay Barca waxa ayan dhisayeen kubad weerar ah balse ma jririn fursad rasmi ah oo ay ku haleen goosah Barca
Biloowgii , Barca waa ku adkeyd in kubadda ku jiidaan aagga goosha United waxaana fir fircooni badnaa United oo dar dar kubadeed ciyaarayay waxaana kaliya ka maqnaa in kubadahaas u turjumaan goolal .

Ka dib 15 daqiiqo , Barca waxa ay bilaabeen in ay halis giliyaan United balse waxaa foojignaa goolhaye De Gea waxa ayna ciyaarta aheyd mid u furaneyd labada dhinac

Barca waxa ay daqiiqaddii 65-aad sameeyen badalkooda ugu horeeyay iyaga oo saaray Coutinho iyaga oo soo giliyay Arturo Vidal halka United halka iyana badalkooda ugu horeeyay ay sameeyen daqiiqaddii 68-aad iyaga oo saaray Lukaku oo lagu badalay Martial .

Qeybihii dhamaadka xigeenka , kubadda xaraarad ayay sii yeelatay inkastoo Barca ku wacneyd kubadda hadana United waxaa ka go`naa in ay goolka bar bar dhaca keenaan waqti hore

Dhamaadki , Barca aya kubadda ku haysay cagtooda waxaana laga filan katay gool labaad halak United isku dayo waliba oo ay sameeyaan daafac Barac ee Pique waxa ayan ciyaarta kun dhamaatay halkaas gool ee ay Barca ku badiyeen

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here