Barcelona Oo Guul Ay U Qalmeen Ka Gaadhay Girona Xilli Gaadhay Guusheedii 8-aad Oo Xiriir Ah

Kooxda Barcelona ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Girona kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkiisii 21-aad.

Barcelona ayaa kulanka ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo qaadayaysay weeraro ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolal.

Dhanka kale kooxda Girona ayaa ku bilaabatay difaacasho iyaga oo iska ilaalinayay in ay goolal wakhti hore ah kala kulmaan Barcelona.

Girona ayay wixii ay ka baqayeen ku dheceen kadib markii ay Barcelona daqiiqadii 9-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Nelson Semedo kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Barcelona hogaanka ku hayso

Kadib goolkaas kooxda Girona ayaa samaysay isku dayo badan oo ay ku dhalin kartay goolka bar-baraha laakiin Goolhayaha Barcelona ayaa ka hor istaagay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Barcelona ku hogaaminaysay 1/0 laakiin labada kooxoodba iska dhalin kareen goolal intaas ka badan.

Qaybtii dambe ayay kooxda Girona ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo Barcelona ku qaadayay weeraro ay ku doonayeen goolka bar-baraha.

Girona ayaa samaysay fursado ay ugu yaraan ka dhalin karaan 2 gool laakiin waxa u suurtaali wayday in ay wax gool ah u dhaliyaan.

Kooxda Girona ayay dhirbaaxo la kulantay daqiiqadii 51-aad iyaga oo kaadhka cas looga taagay xiddiga Bernardo Espinosa.

Barcelona ayaa ka faa,iidaystay arintaas waxana ay daqiiqadii 68-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta oo uu u dhaliyay xiddiga Lionel Messi ciyaartana ka dhigay 2/0.

Girona iyo Barcelona ayaa wixii intaas ka dambeeyay labadooduba sameeyeen fursado fiican laakiin aanay wax gool ah ka dhalin.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona sidaas ku gaadhay guushii 8-aad oo xiriir ah horyaalka La Liga kuna guulaystay 2/0.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here