Barcelona Oo Guul Ay U Qalmeen Ka Gaadhay Deportivo Alaves, Kulan Messi Kaydka Ku Bilowday

0

Kooxda Barcelona ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Deportivo Alaves kulan ka tirsanaa toodbaadkii 34-aad ee horyaalka La Liga kulan ka dhacay garoonka Estadio de Mendizorroza.

Kulanka ayuu kabtanka Barcelona ee Lionel Messi kaydka ku bilowday iyada oo loo nasiyay kulamada soo socda isaga oo aan ku bilaaban shaxda Barcelona ee kulanka.

Deportivo Alaves Ayaa Barcelona ku qasabtay in ay bar-baro gool la,aan ah la gasho qaybtii hore ee ciyaarta inkasta oo ay Barcelona ciyaar fiicnayd waliba maamulaysay kulanka.

Deportivo Alaves ayaa dhankeeda qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo halis ah laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay ka faa,iidaystaan goolalna ka dhaliyaan kooxda Barcelona.

Qaybtii dambe ayay Barcelona si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo raadinayay in ay jabiyaan daafacii birta ahaa ee ay kooxda Deportivo Alaves hor dhigatay shabaqeeda.

Daqiiqadii 54-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Carles Alena kaas oo hogaanka u dhiibay Barcelona ka dhigay ciyaarta 1/0.

Barcelona ayaan halkaas kaga hadhin waxana ay sii wadeen in ay raadiyaan goolal kale oo ay ciyaarta ku dilaan si ayna kooxda Deportivo Alaves ugu soo laaban ciyaarta.

Daqiiqadii 60-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu rikoodhe u dhaliyay xiddiga Luis Suarez kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Barcelona ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona ku gaadhay guul 2/0 ah uguna sii dhawaatay ku guulaysiga horyaalka premier League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here