Barcelona Oo Go,aansatay Wakhtiga Ay Heshiiska Cusub Ka Saxiixan Doonto Jordi Alba

0

Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi u go,aamisay wakhtiga ay heshiiska cusub ka saxiixanayso xiddiga daafaca uga ciyaara kooxdeeda ee Jordi Alba

Xiddiga reer Spain ee Jordi Alba ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka maamulka Barcelona ayaana si fiican u og arintaas.

Heshiiska Alba ayaa dhici doona xagaaga 2020 waxana ay Barcelona ayana la kulantay wakiilka Alba bishii November si ay ugala hadlaan heshiis kordhinta laakiin aan wali heshiis ka gaadhin mustaqbalka xiddiga.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona go,aansatay in ay Jordi Alba ka saxiixato heshiis cusub bisha February ee sanadka 2019.

Kooxda Barcelona ayaa xiddiga ka saxiixan doonta heshiis 2 sano ah oo dheeraad ah taas oo la macno ah in uu kooxda sii joogi doono ilaa xagaaga 2022.

Jordi Alba ayaa heshiiskiisa haatan lagu bur-burin karaa lacag dhan 150 milyan oo euro waxana isha ku haya adeegiisa kooxaha Man United iyo Juventus.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here