Barcelona Oo Go,aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Philippe Coutinho Kadib Kulankii El Clasico

0

Kooxda Barcelona ayaa go,aan ka gaadhay mustaqbalka Philippe Coutinho kadib qaab ciyaareedkii xiddigu soo bandhigay kulankii El Clasico.

Barcelona ayuu ka dhamaaday samirkii ay u qabtay Xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho kadib qaab ciyaareed liita oo uu soo bandhigay kulankii Real Madrid sida ay sheegayaan wararku.

Coutinho ayaa Barcelona kaga biiray Liverpool suuqii January ee sanadkii hore iyada oo ay kooxda Barcelona ka bixisay lacag dhan 142 milyan oo euro si ay badal ugu dhigaan Neymar oo ku biiray PSG.

Laakiin xiddiga reer Brazil ayuu si weyn hoos ugu dhacay qaab ciyaareedkiisa kadib koobkii adduunka isaga oo kaliya 4 gool dhaliyay La Liga 20 kulan oo xilli ciyaareedkan ah.

Xiddiga ayaa 63 daqiiqo ciyaaray kulankii El Clasico ka hor inta aan lagu badalin Lionel Messi kulankii 1/1 ku dhamaaday.

Sida laga soo xigtay Wargayska MARCA kadib qaab ciyaareedkii liitay ee uu xiddigu soo bandhigay kulankii Real Madrid Barcelona ayaa diyaar u ah in ay dhagaystaan dalabaadka u iman doona xiddiga xagaaga.

Kulankii El Clasico ee toodbaadkii hore ayaa ahayd fursadii ugu dambaysay ee ay Barcelona u ogolaatay in uu xiddigu ku muujiyo tayadiisa maadama uu Dembele dhaawac ku seegay sidoo kale Messi kaydka ku bilowday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here