Barcelona Oo Garaacday Real Madrid Mar Kale Iska Xaadirisay Finalka Copa del Rey

Kooxda Barcelona ayaa iska xaadirisay finalka Copa del Rey kadib markii ay garaaceen kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Real Madrid kulan ka dhacay Santiago Bernabue.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh oo adag labada kooxoodna ku bilowdeen si dar-dar leh iskuna qaadayeen weeraro waliba samaynayeen fursado.

Real Madrid ayaa iyadu qaadaysay weeraro rogaal celis ah iyaga oo ka fiicnaa kooxda Barcelona halka ay Barcelona ku dhibaatootay in ay qaado weerar halis ah.

Los Blancos ayaa heshay dhawr fursadood oo halis ah oo ay ku dhalin gaadhay gool laakiin Nasiibk ayaan ka caawin arintaas.

Waxa bar-baro goolal la,aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay kooxda Real Madrid u muuqatay kuwa ugu cad-cad ciyaarta.

Laakiin Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Barcelona ku soo gashay ciyaarta si dar-dar leh iyaga oo ka fiicnaa kooxda Real Madrid.

Daqiiqadii 50-aad ayay Barcelona dhalisay goolka iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Luis Suarez kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Real Madrid ayaa isku dayday in ay ku soo laabato ciyaarta laakiin waxa u suurgali wayday in ay goolal u badasho fursadihii ay heshay.

Barcelona ayaa daqiiqadii 68-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu si khaldan isaga dhaliyay xiddiga Raphael Varane kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Isla Luis Suarez ayaa daqiiqadii 73-aad ku soo laabtay goolka isaga oo dhaliyay gool rikoodhe ah ciyaartana ka dhigay 3/0 ay Barcelona ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona ku badisay 3/0 sidaasna isaga xaadirisay finalka Tartanka Copa del Rey-ga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here