Barcelona Oo Frenkie De Jong U Balan Qaaday In Ay Saddex Xiddig Oo Khadka Dhexe Ah Ka Diri Doonto Kooxda, Ayay Kala Yihiin?

Saxafiga Quim Domènech ayaa barnaamijka ‘El Chiringuito’ u sheegay qaabkii ay kooxda Barcelona Xiddiga Frenkie De Jong ugu qancisay in uu ku soo biiro kooxda Barcelona inta lagu jiro suuqa Janaury ee bishan.

Kooxda Barcelona ayaa xiddiga khadka dhexe ee Frenkie De Jong u balan qaaday in ay xagaaga iibin doonto ugu yaraan 3 xiddig oo khadka dhexe ah.

Mid ka mid ah dalabkii uu Frenkie De Jong hor dhigay Barcelona ayaa ahaa in uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda waxana ay kooxdu xiddiga u sheegtay in ay iibin doonto 3 xiddig marka la gaadho suuqa January.

Inkasta oo ayna kooxdu shaacin magacyada 3-daas xiddig hadana saxafiga ayaa sheegay in ay xiddigahaas kala yihiin Rakitic, Denis Suarez & Rafinha.

Waxa ay u muuqataa in aanay kooxdu wadahadalo la furin xiddiga Rikitic inkasta oo uu tababare Valverde taageero u yahay xiddiga hadana madaxda kooxda ayaa aaminsan in la gaadhay wakhtigii la iska iibin lahaa xiddiga kadib markii uu da, ahaan weynaada.

Denis Suarez ayay haatanba u muuqataa in bixitaankiisa la xaqiijiyay iyada oo uu xiddigu doonayo in uu isaga tago bishan halka Rafinha oo dhaawac ku maqan u badan tahay in uu isaga tago kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here