Barcelona Oo Dib U Soo Cusboonaysiisay Xiisihii Ay U Qabtay Antoine Griezmann

0

Baacsigii kooxda Barcelona ee Antoine Griezmann ayaa u muuqda mid aan gabi ahaan dhamaan xitaa kadib markii uu xiddiga reer France diiday kooxda Barcelona xilli ciyaareedkii hore.

Kadib markii ay wararkaas meesha ka bexeen guuldaradii Atletico Madrid ee champions League ayaa shaki weyn ku tuurtay mustaqbalka xiddiga.

Antoine Griezmann Ayaa ka fiirsanaya mustaqbalkiisa kadib markii Atletico Madrid laga reebay tartanka champions league sida laga soo xigtay L’Equipe.

Wargayska Ayaa sheegaya in lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa ee dhan 200 ee milyan in ay 150 milyan noqon doonaa xagaaga.

Qiimaha hoos u dhacay ayaa ah mid ay Barcelona si dhib yar ku bixin karto taas oo doonayasay adeegiisa ka hor intii uuna go,aansan in uu iska joogo kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here