Barcelona Oo Denis Suarez Ku Riixaysa In Uu Ku Biiro 2 Kooxood Midkood, Kumana Jirto Arsenal.

Kooxda Barcelona ayaa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara ee Denis Suarez ku riixaysa in uu isaga tago kooxda inta lagu jiro suuqa January ee bishan.

Xiddiga reer Spain ayaa kaliya doonaya in uu ku biiro kooxda Arsenal ama in uu iska sii joogo kooxda inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Laakiin Rabitaanka Arsenal ee ah heshiiska amaahda ah ayaa Barcelona ku qasabaysa in ay xiddiga ku riixo koox kale.

Barcelona ayaa doonaysa in ay hesho lacagta 20 milyan ah ee lagu bur-burin karo heshiiska laakiin Gunners ayaa kaliya doonaysa heshiis amaah ah.

Sidaas darteed Barcelona ayaa ku riixaysa in uu xiddigan ku biiro kooxaha Sevilla ama Real Betis kuwaas oo diyaar ula ah in ay si toos ah ula wareegaan.

Laakiin Xiddiga 23 jirka ah ayaa wali ka meer-meeraya in uu ku biiro kooxahaas maadama uu doonayo kaliya in uu ku biiro kooxda Arsenal.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here