Barcelona Oo Daqiiqadihii Geerida Guul Dirqi Ah Ka Gaartay 10 Ciyaartooy Atletico Madrid Ah, Horyaalka Waa Ay Xaqiijisteen

0

Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli kooxda Atletico ay ku ciyaarayeen 10 laacib ka dib kaarka cas oo laga siiyay Costa .

Labada koox ayaa biloowgii ciyaarayay kubad deg degsiimo leh waliba ay ka muuqato geesinimo waxa ayna ciyaarta u aheyd mid u furneyd labada dhinac .

Barcelona daqiiqaddii 13-aad gool ayay ku sigsteen balse birta ayay kaga dhacday , waxa ayna guud ahaan ciyaarta aheyd mid isu dheeli tiran .

Xilli xaalkaas sidaas ahaa waxaa dadaalkii ka qasay Atletico xiddigooda Costa kaasi oo kaarka cas qaatay daqiiqaddii 28-aad ka dib markii uu caayay garsooraha xilligaas oo uu ka qaylinayay kubad uu doonayay in loo dhigo isaga .

Ka dib dhacdadaas , Barcelona ayaa kubadda ku badneyd waxa ayna dhowr jeer heleen fursado balse goolhayaha Barca ayaa u diidayay

Atletico waxa ay ku tiirsanaayeen kubdaha rogaal celiska ah halka daafac ahaan ay wacnaayeen balse heerka kubad haysashada Barca ee qeybtaas hore ayaa gaartay %64

Biloowgii qeybta labaad , Barcelona iyaga ayaa kubadda haystay waxaana ka go`anaa gool halka Atletico ay ciyaarayeen iyana daafac adag waxaana dadaal gaar ah sameynayay goolhayaha Atletico Madrid .

Atletico daqiiqaddii 58-aad waxa ay ku sigteen in Barca gool ka dhaliyaan balse daafac ayaa hor taagnaa waxa ayna kooxda muujiyeen geesinimo oo waa ay ku dhiiranayeen in ay weeraraan Barca halka saaxibada Messina ay qasaarineyn fursadaha .

Messi ayaa si cajiib ah kubaddaha u dhisayay waxaana fursad waliba oo gool oo uu sameeyo waxaa u didanaa goolhayaha Atletico kaasi oo sidoo kale kubdao xaqiiq ah ka bad baadiyay Suarez balse guud ahaan kubadda Barca ayaa maamuleysay .

Goolhayaha Atletico Jan Oblak ayaa daqiiqaddii 68-aad laba fursad xaqiiq ahaa ka bad baadiyay Barca oo kubadii uu Messi ku laaday ayuu soo celiyay halka isla kubadaas oo mar kale uu xididg Barca ah ku soo laaday oo bad baadiyay .

Dhamaadkii Barcelona cadaadis ayay saareen Atletico Madrid balse kooxda oo ku ciyaareysay 10 ciyaaryahan waa ay is hor taagayaan duullaanka Messi iyo saaxibadiisa waxaana ammaanta mudan goolhayahaye Oblak oo wacdaro dhigay waliba bad baadinayay kooxdiisa .

Si waliba , Barcelona daqiiqadihii   geerida ayay heleen gool ka dib kuabd uu banaanka ka toogtay Suarez ayay ku  heleen daqiiqadii 86-aad xilli taageerayasha Barca ku jireen dabaal degga ayuu Messi ak dhaliyay gool labaad daqiiqadii 87-aad ka dib kubad uu ku baahsalaiyay dafaca Atletico , waxa ayna ciyaarat ku dhamaatay labadaas goole ee ay Barca ku guuleysteen ,

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here