Barcelona Oo Dagstay Qorshe Waali Ah Oo Ay Dib Ugu Soo Ceshanayso Neymar

Kooxda Barcelona ayaa si aad ah u doonaysa in ay dib u hesho xiddiga reer Brazil ee Neymar kaas oo aan haatan ku faraxsanayn kooxda PSG.

Wararka ayaa sheegaya in ay Barcelona qorshe waali ah oo aan la filayn u dajisatay sidii ay Neymar uga soo ceshan lahayd suuqa xagaaga.

Neymar ayaa ka tagay Barcelona suuqii xagaag 2017 isaga oo ku biiray kooxda PSG uguna biiray lacag dhan 222 Milyan euro oo ah lacagtii lagu bur-burin karay heshiiskiisa.

Wargayska Tutto Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona damacsan tahay in ay PSG miiska u saarto xiddiga Phillippe Coutinho iyo Waliba lacag kaash ah.

Wargayska ayaa sheegaya in qorsha Barcelona ee ah in ay xiddiga ugu qaalisan taariikhdeeda ee Phillipe Coutinho iyo waliba lacag isugu raaciso PSG in uu yahay qorshe waali ah.

Coutinho ayaa dhankiisa ku dhibaatoonaya kooxda Barcelona isaga oo ka fiirsanaya in uu isaga caraabo xagaaga si uu ugu biiro koox uu joogto ugu ciyaaro.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here