Barcelona Oo Bar-baro Ku Dhaafi Wayday 10 Xiddig Oo Athletic Bilbao Ah

0

Kooxda Barcelona ayaa bar-baro ku dhaafi wayday kooxda Athletic Bilbao Kulan ka dhacay garoonka San Mames kana tirsanaa toodbaadkii 23-aad ee horyaalka La Liga.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso lahaa oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed weerar ah oo ay ku doonayeen in ay goolal ku dhaliyaan.

Kooxda Atletic Bilbao ayaa ahayd kooxda ka fursadaha badan kooxda Barcelona kuwaas oo sameeyay fursado halis galiyay Barcelona.

Inkasta oo ay kooxda Barcelona maamulaysay ciyaarta waliba dhanka baaska kaga badnayd kooxda Atletico Bilbao hadana waxa ay ku dhibaatoodeen in ay dhaafaan daafaca Bilbao.

Waxa bar-baro gool la,aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo ay labada kooxood Qaybta Nasashada ku aadeen bar-baro 0/0 ah.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay kooxda Bilbao ahayd mid ia fiican kooxda Barcelona hadii ay noqoto dhanka fursadaha iyo dhanka qaab ciyaareedkaba.

Bilbao ayaa dhalin gaadhay goolal laakiin goolhayaha Barcelona ayaa sameeyay badbaadino ka badan saddex badbaadin oo gool laga dhalin karay.

Athletic Bilbao ayaa daqiiqadii 90-aad kaadhkas cas looga taagay xiddiga Daafaca uga ciyaara ee Oscar De Marcos kadib markii uu qaatay kaadhka 2-aad ee digniinta ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Labada Kooxood ku kala bexeen bar-baro gool la,aan ah iyada Barcelona guul gaadhi wayday markii 2-aad oo xiriir ah horyaalka iyo markii 3-aad oo tartamada oo dhan ah

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here