Barcelona Oo Baanka U Jabinaysa Xiddig U Ciyaara Atletico Madrid

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay baanka u jabiso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Saul Niguez.

Barcelona ayaa diyaar u ah in ay dalab weyn ka gudbiso xiddiga Saul Niguez sida laga soo xigay wargayska As.

Catalans ayaa diyaar u ah in ay bixiyaan lacag dhan 110 milyan oo euro taas oo ka dhigaysa xiddiga ugu qaalisan Abid ee taariikhda Spain.

Kadib markii ay la soo saxiixdeen xiddiga Frenkie de Jong, Barcelona ayaa doonaysa in ay sii wadato xoojinta khadka dhexe una dhaqaaqdo Sual.

Wargayska AS ayaa sheegaya in uu xiddiga Atletico Madrid noqon doono saxiixooda ugu weyn suuqa xagaaga dambe.

Xiisaha Barcelona ee Saul ayaan ahayn midii ugu horeeyay iyaga oo xiddiga doonayay ka hor intii ayna Atletico Madrid ka saxiixan heshiiska 2026 ah.

Si kasta ha ahaatee Barcelona Ayaan kali ku ahayn xiisaha Saul iyada oo lala xiriirinayo kooxo kale oo ay ka mid yihiin kooxaha premier League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here