Barcelona Oo Aan Wax Gool Ah Dhalin Kulankii Atletic Bilbao, Goorma Ugu Dambaysay In Ay La Liga Gool Dhalin Waydo?

0

Kooxda Barcelona ayaa bar-baro goolal la,aan ah la gashay kooxda Atletic Bilbao kulan ka dhacay San Mames kana tirsanaa horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa wax walba u samaysay sidii ay Bilbao uga dhalin lahayd gool laakiin waxa ay dhaafi kari wayday daafac xoogan oo hor yaalay.

Kadib Bar-Barahaas Kooxda Atletic Bilbao ayaa Barcelona ka hor istaagtay rikoodh cajiib ah oo ay soo waday muddo dheer.

Barcelona ayaa markii ugu horaysay ku fashilantay in ay wax gool ah dhalin waydo kulan horyaalka La Liga ah tan ilaa bishii February 2018.

Taas ayaa la macno ah in ay kooxda Barcelona horyaalka La Liga dhalisay gool muddo sanad ah waliba si xiriir ah u dhalisay.

Markii ugu dambaysay ee ay Barcelona ku fashilanto in ay gool ka dhaliso horyaalka La Liga waxa ay ahayd kulan ay la ciyaarayeen kooxda Getafe 37 kulan ka hor.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here