Balan Qaad Ay Rea Madrid U Samaysay Eden Hazard Oo La Ogaaday

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga kooxda Chelsea ee Eden Hazard u sheegtay in ay dalab Rasmi ah ka soo gudbin doonto adeegiisa xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Belguim ee Hazard oo chelsea kula guulaystay 2 koob oo horyaalka premier League ah ayaa u muuqda mid doonaya in uu ku biiro Real Madrod.

Dhawaan waraysi uu siiyay wargayska RMC Sport ayuu yidhi” waan ogahay waxa aan qaban doono, haatanba waan qaatay go,aankayga”.

Waraysiga ayaa la qabtay 2 bilood ka hor tan ilaa wakhtigaasna Hazard ayaa dhawr jeer oo kale qirtay rabitaankiisa ku biirista Real Madrid.

Sida laga soo xigtay Telegraph Hazard ayaa la filayaa in uu Chelsea u sheego in uu dooanyo in uu isaga tago kooxda kadib markii ay Real Madrid u balan qaaday in ay dalab ka soo gudbin doonto adeegiisa.

Blues ayaa ku rajo weyn in ay Hazard ku sii hayso kooxda heshiis wakhti dheer ahna ka saxiixato laakiin xiddiga ayaan wax wax heshiis ah saxixiin.

Waxana uu Hazard haatanba u sheegay saaxiibadiisa kooxda in uu ku biiri doono kooxda chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here