Aubameyang: Goolkii Uu Mohamed Salah Ka Dhaliyay Chelsea Waxa Uu Ahaa Mid Cajiib Ah, Mid Aan La Rumaysan Karin.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa amaanay goolkii cajiibka ahaa ee uu Mohamed Salah ka dhaliyay kooxda Chelsea kulankii Axadii ka tirsanaa horyaalka premier league.

Liverpool ayaa 2/0 ku garaacdayChelsea kulan ka tirsanaa todobaadkii 34-aad ee horyaalka premier League xilli uu Mohamed Salah dhaliyay gool cajiib ah oo qurux badan.

Pierre-Emerick Aubameyang oo la hadlaya wargayska Mirror ayaa yidhi” Waxa uu ahaa gool cajiib ah goolkii uu Mohamed Salah ka dhaliyay Chelsea, gool aan la rumaysan karin”.

Weeraryahanka reer Gabon ayaa hadalkiisa sii raaciyay” Laakiin mararka qaar waxa aan xiiseeyaa goolasha aan u dhaliyo qaabkii aan uga dhaliyay Watford, waxa laga yaabaa in uuna goolkii Salah ahayn mid fudud laakiin salah waxa uu u ahaa mid fudud”.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa kooxda Watford ka dhaliyay gool ay kubadii uu goolhayuhu laagayay ku dhacday kadib gashay shabaqa sidaasna kooxdiisa guul ugu hogaamiyay.

Aubameyang ayaa dhaliyay goolkiisii 18-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan isaga ooh al gool ka dambeeya Mohamed salah iyo Sergio Aguero.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here