Atletico Madrid Oo Garaacday Juventus Kulan Ay Goolasha Atletico U Dhaliyeen Laba Daafac

Kooxda Atletico Madrid ayaa guul ka gaadhay kooxda Juventus kulan ka dhacay garoonka Estadio Wanda Metropolitano kana tirsanaa tartanka champions League.

Kulanka ayaa ahaa mid ay labada kooxood kala baqayeen iyaga oo ku bilowday si daafac ah iyada oo kooxda Juventus maamulaysay kubada.

Kooxda Atletico Madrid ayaa dhankeeda qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay halis ku galiyeen goolka kooxda Juventus.

Waxa bar-baro gool la,aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ayna labada kooxood wax goolal ah kala dhalin waliba soo bandhigeen ciyaar ay kala baqayeen.

Qaybtii dambe ayay labada kooxood ku soo galeen si dar-dar leh iyaga oo doonayay sidii ay ciyaarta wax uga badali lahaayeen goolal-na u dhalin lahaayeen.

Atletico Madrid ayaa u muuqatay qaar ka fursado fiican kooxda Juventus iyaga oo qaadayay weeraro halis ah oo ay ku doonayeen goolal.

Daqiiqadii 78-aad ayay Kooxda Atletico Madrid ugu dambayn dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Jose Gimenez kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Juventus ayaa isku dayday in ay keento goolka bar-baraha laakiin dadaalkoodii ayaa ku fashilmay daafaca kooxda Atletico Madrid.

Atletico Madrid ayaa daqiiqadii 83-aad sii dheeraystay hogaanka ciyaarta iyaga oo uu guulka u dhaliyay xiddiga Diego Godin kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Atletico Madrid dhigeeda Juventus ka gaadhay guul ay u qalantay xilli ay laba daafac guusha ku haogaamiyeen Atletico Madrid.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here