Athony Martial Oo Qaaday Talaabo Mugdi Galinaysa Mustaqbalkiisa Man United, Muxuu Sameeyay?

0

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Athony Martial ayaa qaaday talaabo wal-wal galisay taageerayaasha Man United mugdina ku riday mustaqbalkiisa kooxda Man United.

Anthony Martail oo ah xiddiga ugu goolasha badan Man United isaga oo dhaliyay 9 xilli ciyaareedkan ayaa gabi ahaanba masaxay barihiisa Bulshada ee uu ku lahaa Twitter-ka iyo Instagram.

Hadii aaad isku daydo in aad gasho barta Martial ee twitter & Instagram waxa uu kuu soo qorayaa “Waan ka xunahay bogan ma jiro”.

Tan ayaa shaki weyn galisay Mustaqbalkiisa xilli uu hal sano ka hadhsan yahay heshiiskiisa Man United kadib markii ay kooxdu dhaqan galisay heshiiskii dookha ahaa.

Tababaraha cusub ee Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa sidoo kale si weyn uga xanaaqay in uuna Anthony Martail soo xaadirin tababarka maalintii ciida gaalada.

Martial ayaa seegay kulankii ay Man United guusha ka gaadhay kooxda Huddersfield ee Boxing Day isaga oo France ku laabtay si uu wiilkiisa ula soo qaato dabaal dega ciida gaalada.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here