Athony Martail Oo Ogolaaday In Uu Mustaqbalkiisa U Hibeeyo Man United, Imisa Sano Ayuu Saxiixayaa?

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Anthony Martail ayaa si aad ah ugu dhaw in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man United kadib markii ay labada dhinac heshiis ka gaadheen.

Martial ayaa United ku soo biiray xagaagii 2014 isaga oo kaga soo biiray kooxda Monaco wakhtigaasna noqday xiddiga reer France ee ugu qaalisan taariikhda.

Sky Sport ayaa xaqiijisay in ay Man United heshiis la gaadhay xiddiga reer France kaas oo qalinka ku duugi doona heshiis 5 sano ah oo ku eg ilaa 2024.

Xiddigan oo kooxda ku soo biiray isaga oo 18 jir ah ayuu heshiiskiisa haatan dhici doonaa dhamaadka xagaaga 2020 taas oo keentay in ay United heshiis cusub ka saxiixato xiddiga.

Kooxda ayaa heshiiska la gaadhay xiddiga si uu kooxda u sii joogo kadib markii uu kooxda ka tagay Jose Mourinho oo khilaaf weyn kala dhexeeyay.

23 jirka reer France ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira tan ilaa markii uu tababaraha cusub la wareegay shaqada kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here