Ashly Young Oo Digniin U Diray Man City Ka Hor Kulankooda Arbacada

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man United ahna kabtankooda ee Ashly Young ayaa digniin adag u diray kooxda Man City ka hor kulankooda Arabacada ee Manchester Derby ee ka tirsan horyaalka premier league baaqigana u ah labada kooxood.

Ashly Young ayaa ogsoon wax ay tahay in ay sameeyaan xiddigaha Man United si ay ugu soo laabtaan wadada guulaha kadib guuldaradii weynayd ee lama filaanka ahayd ee ka soo gaadhay kooxda Everton.

Man United ayaa ku jirta wakhti adag kadib markii ay saddex guuldaro oo xiriir ah la kulantay kadib laba guuldaro oo Barcelona ah oo champions League ahayd iyo guuldaradii Everton ee Axadii.

Ashley Young oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan ognahay muhiimada kulanka Man City, Kooxda waxa ay ku dhibaatoonaysaa wax hadii aanan ku jirin qaab fiican”.

“Laakiin waxa aan ku kalsoonahay awooda kooxda ee kulanka Arbacada, waxana aan diyaar u nahay kulankaas”.

“Waa in aanu ka baxno dhibaatada oo aanu dagaalano, waxa noo hadhay 4 kulan waxana nagu waajib ah in aan dhamaan guul gaadhno inkasta oo ay tahay shaqo adag laakiin waxa aan ku kalsoonahay awoodeena”.

Man United ayaa ku jirta kaalinta 6-aad ee kala saraynta premier League iyaga oo leh 64 dhibcood 2 dhibcoodna ka dambeeya kooxda kaalinta 4-aad ee Arsenal.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here