Ashley Cole Oo Doortay Shaxdiisa Ugu Fiican Abid, Xilli Uu U Kala Qaybiyay Kooxaha Chelsea & Arsenal.

Xiddigii hore ee kooxaha Arsenal iyo Chelsea ee Ashley Cole ayaa soo doortay shaxdiisa ugu fiican Abid isaga oo ka soo xushay kooxaha Arsenal iyo Chelsea.

Halyeeyga reer England ayaa wakhtigiisii ugu fiicnaa kubada cagta la soo qaatay kooxaha Arsenal iyo Chelsea isaga oo waliba kula soo guulaystay koobab.

Ashley Cole ayaa ka soo muuqday Barnaamijka Sky Sport ee Monday Night Football ee Sky Sport isaga oo soo xushay shaxdiisa ugu fiican.

Xiddiga haatan u ciyaara kooxda Derby Couty ayaa soo xushay xiddigaha ugu fiican taariikhda weeraryahanka ee kooxaha chelsea iyo Arsenal ee Thierry Henry & Didier Drogba.

Si la mid ah khabiirka ayaa ku soo daray shaxdiisa xiddigii kooxda Arsenal ee Dennis Bergkamp.

Cole ayaa sidoo kale ku daray Frank Lampard oo ay iska soo garab ciyaareen haatana tababare u ah kooxda uu Cole u ciyaaro ee Derby.

Waxa uu ka garab ciyaarsiiyay xidddigaha Patrick Vieira & Robert Pires halka go,aanka la yaabka leh ee uu sameeyay yahay in uu shaxdiisa ku soo daray Florent Malouda isaga oo ka reebay xiddigaha Michael Ballack ama Freddie Ljungberg.

John Terry Iyo Sol Campbell ayuu u doortay daafaca dhexe halka uu garbaha daafaca u doortay Branislav Ivanovic & Lauren.

Cole laftiisa ayaa isku daray shaxda isaga oo si dhigay garabka daafaca alka uu Goolhayaha Arsenal ee haatan ee Petr Cech hor dhigay shabaqa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here