Arsene Wenger Oo Ku Soo Laaban Doona Shaqada Tababaranimo Muddo Bil Ah Gudeheeda & 4 Dalab Oo Haatanba Miiska U Saaran.

Tababarihii hore ee kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa muddo bil gudeheed ah ugu soo laaban doona shaqada tababaranimo sida ay sheegayaan wararku.

Wenger ayaan wax shaqo ah hayn tan ilaa markii uu isaga tagay kooxda Arsenal dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore kadib 22 sano oo uu hogaaminayay Arsenal.

Tabbaraha ayaa si aad ah u doonaya in uu ku soo laabto shaqada tababaranimo isaga oo u xiisay in uu si maalin leh ah u maamulo koox.

Sida laga soo xigtay wargayska The Times Tababare Arsene Wenger ayaa haatnba haysta 4 shaqo inkasta oo ayna wax premier League ah ku jirin.

Wenger ayaa sida iska cad diiday in uu mar dambe ka shaqeeyo premier League maadama uuna doonayn in uu ka hor yimaado kooxdiisii hore ee Arsenal.

Paris Saint-Germain ayaa ka mid ah 4-ta kooxood ee xiisaynaya tababaraha inkasta oo ay doonayaan in ay ka dhigtaan agaasimaha kubada cagta.

Dalab kale oo ka mid ah ayaa ah mid uga yimid xul kubada cagta ah kuwaas oo doonaya in ay Wenger ka dhigaan tababarohooda cusub.

Labada dalab ee kale ayaa lagu soo waramayaa in ay yihiin laba kooxood oo waaweyn oo reer yurub ah inkasta oo aan la magacaabin kooxaha ay yihiin.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here