Arsene Wenger Mise Unai Emery? Laurent Koscielny Oo Sheegay Tababaraha Fiican

Xiddiga Daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa sheegay in ay kooxda Arsenal ee uu hogaamiyo Unai Mery ka fiicantahay kooxdiiuu Arsene Wenger hogaaminayay.

Gunners ayaa iska badashay tababaraha markii ugu horaysay tan ilaa 1996 markii uu Wenger isaga tagay kooxda dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Tababaraha reer France ayaa go,aansaday in uu isaga tago kooxda kadib 22 sano oo uu kooxda hogaaminayay kulana guulaystay koobab badan.

Emery ayaa u muuqda mid dib u soo nooleeyay kooxda Arsenal isaga oo kooxda ku riixaya u tartamista kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka.

Xilli ciyaareedkii hore Arsenal ayaa kaliya 6 dhibcood ka heshay kulamadii ay la ciyaartay kooxaha Chelsea, Tottemham, Liverpool Iyo Labada Manchester.

Laakiin Emery ayaa kooxda ka caawiyay in ay ka helaan 12 dhibcood kulamadaas Koscielny ayaana rumaysan in ay arintaas cadayn u tahay in ay Emriates wax iska badaleen.

“Rikoodhkeena 6-da kooxood ee ugu sareeya horyaalka xilli ciyaareedkan wuu fiican yahay”ayuu daafaca dhexe yidhi.

“Kaliya am ahayn weerarka laakiin waanu ka maskax badnayn, waxa aan ahayn qaar ka soo baxay qorsheheena”.

“Waxa aan badali karnaa shaxda ciyaarta dhexdeeda waxana aan u ciyaari karnaa qaab kale”.

“Tababaruhu waxa uu Isticmaalayaa shaxo kala duwan taas oo muujinaysa qaabka ay u fiican yihiin xiddigaha kooxdu”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here