Arsenal Vs Chelsea; Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Labada Kooxood & Lama Filaan Lagu Arkay

0

Sabtida ayay kulan si weyn loo sugayo isaga hor iman doonaan kooxaha Arsenal iyo Chelsea kulan ka dhici doona garoonka Emirates kulan ka tirsan todobaadkii 23-aad ee horyaalka premier League.

Kulanka oo ka dhici doona garoonka Arsenal ayay Gunners u soo gali doontaa sidii ay u gaadhi lahayd guul ka caawisa in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib markii ay guuldaro kala kulantay West Ham todobaadkii hore.

Dhanka kale Blues ayay ka go,antahay in ay sii dheeraysato dhibcaha ay ka horayso kooxda kaalinta 5-aad si ay u xoraysato booskeeda.

Ka Hor Kulanka shabakada BBC Sport ayaa soo dooratay shaxdooda isku dhafka ah taas oo lagu dhex arkay lama filaan ay u qaadan waayeen taageerayaashu.

Lama filaankaas ayaa ahaa in ay BBC-du shaxdooda isku dhafka ah ku soo dartay xiddiga aan u ciyaarin Arsenal ee Mesut Ozil.

Kooxda chelsea ayaa xiddigaha ugu badan ku leh shaxda iyaga oo ku leh 6 xiddig halka ay Arsenal dhankeeda ku leedahay 5 xiddiga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here