Arsenal & Tottenham Oo Bar-Baro Ku Heshiiyay Xilli Lucas Torriera Kaadhka Cas Ee Tooska Ah Loo Taagay

0

Kulan xiiso leh ayay kooxaha Arsenal iyo Tottenham ku kala bexeen bar-baro kulan ka dhacay garoonka Wembley kana tirsanaa horyaalka premier League.

Arsenal ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro halis ah kana awood badnaa kana qaab ciyaareed fiicnaa kooxda Tottenham.

Kulanka ayaa ahaa mid ay kooxda Arsenal doonaysay in ay gaadho guul ka caawisa in ay ku dhaawato kooxda Tottenham iyo kaalinta 3-aad.

Daqiiqadii 16-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Aaron Ramsey oo si qurux badan ugu dhaliyay goolka.

Tottenham ayaa isku dayday in ay dhaliso goolka bar-baraha iyaga oo sameeyay fursado halis ah laakiin Goolhayaha Arsenal ayaa dhawr fursadood ka hor istaagay.

Spurs ayaa xitaa dhalisay gool uu Harry Kane madaxa ugu dhaliyay Laakiin Goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha in uu Offside ku jiray.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Arsenal hogaaminayso waliba soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah.

Qaybtii dambe ayay Arsenal iyo Tottenham-ba ku soo galeen si dar-dar leh iyaga oo kooxba dhankeeda u raadinaysay gool ay dhaliso.

Kadib fursado badan oo ay labada kooxood sameeyeen kooxda Tottenham ayaa heshay rikoodhe kadib khalad lagu galay xiddiga Harry Kane.

Daqiiqadii 74-aad ayay Tottenham dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu rikoodhe u dhaliyay xiddiga Harry Kane kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Tottenham vs Arsenal LIVE score – Gunners looking to achieve Premier League double over

Arsenal ayaa fursad u heshay in ay dhaliso goolka 2-aad ee ciyaarta daqiiqadii 82-aad kadib markii rikoodhe loo dhigay Pierre-Emerick Aubameyang laakiin waxa uu ku fashilmay in uu gool u badalo.

Arsenal ayay daqiiqadii ugu dambaysay xaalku ku xumaaday kadib markii kaadka cas ee tooska ah loo taagay xiddiga khadka dhexe ee Lucas Torreira kaas oo sidaas uga baxay ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah xilli Gunners iska khasaarisay fursad ay guul ku gaadhi lahayd.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here