Arsenal Oo Xaqiijisay In Ay 6 Xiddig Oo kooxdeeda Ah Si Buuxda Ugu Soo Laabteen Tababarka Kooxda

0

Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in ay 6 xiddig oo kooxdeeda ah si buuxda tababarka ugu soo laabteen diyaarna u yihiin kulanka Sabtida ay la Ciyaari doonaan kooxda West Ham.

Arsenal ayaa wajihi doonta kooxda West Ham kulan ka tirsan todobaadkii 22-aad ee horyaalka premier League kulan ka tirsan London Derby.

Kooxda Ayaana ku jirta xaalad cajiib ah kadib markii ay xiddigo badan oo dhaawac uga maqnaa si buuxda uga soo kabsadeen dhaawacyadii ay qabeen.

Arsenal ayaa bogeeda Twitter-ka ku xaqiijisay in ay soo laabteen xidigaha Shkodran Mustafi oo dhaawac luga ah qabay iyo xiddiga Nacho Monreal oo dhaawacaas oo kale qabay.

Sidoo kale daafaca Laurent Koscielny ayaa ka soo kabsaday dhaawac dhabarka ahaa oo soo gaadhay kulankii FA Cup-ka ee Blackpool si la mid ah xiddiga Hector Bellerin.

Daafaca Konstantinos Mavropanos ayaa sidoo kale si buuxda uga soo kabsaday dhaawac jilibka ah si la mid ah xiddiga Mesus Ozil oo dhaawac ku maqnaa tan ilaa kulankii Brighton.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here